Gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada oo kormeeray ilaha Dakhli soo saarka

Axad January 05 2020 Gudida dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Miisaaniyada ee Golaha Wakiilada JSL ayaa Kormeer shaqo iyo xog doon ah waxay ku soo sameeyeen qàar ka mid ah ilaha dakhli soo saarka dalka.

Gudida oo laba kooxood isu qaybisay ayaa waxay kormeerkaas shaqo ku soo mareen Kastamada iyo Cashuuraha beriga ee Berbera, Kalabaydh, wajaale, Borama,

Sidoo kale waxay Xildhibaanada Gudidu kulamo la yeesheen kormeerna shaqasooda ku soo sameeyeen Maamulka Dekeda Berbera iyo Haamaha Shidaalka Berbera.
Kormeerkan oo qaatay dhawr maalmood ayay gudidu maanta u soo gebagebaysay si habsami ahi.

Gudida ayaa xogaha ay kormeerkan ka soo heleen waxay warbixin ka siin doonaan gole weynaha, waxaanay qayb ka tahay korjoogtaynta iyo qiimaynta xaaladaha dhaqaale iyagoo sida ugu dhakhsaha badana ugu yeedhi doona wasiirka Maaliyada JSL si ay suaalona u waydiiyaan warbixino dheeraad ahna uga dhegaystaan.

Bahda warbaahinta ee
Golaha Wakiilada JSL