Xeerka shaqaalaha Rayidka ah oo wax ka bedel iyo kaabis lagu samaynayo

Gudida Arimaha Bulshada oo kulan wadatashi ah u qabtay wax ka bedelka iyo kaabista xeerka Shaqaalaha Rayidka ah.

Kulankan wadatashiga ah oo ay gudi hoosaadka Arimaha Bulshadu u qabatay Xeerka shaqaalaha Rayidka ah Socdayna laba maalmood ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey Huteel Fish and Steak ee magaalada Hargeysa.

Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay shirkadaha waaweyn, Ururada iyo hay’aad dawladeed iyo qaar maxali ah.

Kulankan ayaa waxa maalintii shalay furay wasiirka wasaarada Arimaha bulshada Qoyska iyo shaqogelinta Marwo Hinda Jaamac Gaani oo ka warantay marxaladihii kala duwanaa ee xeerkani soo maray iyo wax ka bedelka ay golaha u soo gudbiyeen sababaha keenay.

Wasiirada ayaa Golahana ka codsatay inay ansixiyaan bulshadana u soo jeesisay inay wixii sixis ah ku sii sameeyaan.

Gudoomiyaha Gudida Arimaha Bulshada ee Golaha wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Cismaan Caalin ayaa isaguna furitaankii kulanka u faahfaahiyey ka soo qayb galayaasha, isagoo tilmaamay ka Baarlamaan ahaan inay marwalba bulshada kala tashadaan xeerarka ay samaynayaan maadaama ay wakiil bulshada ka yihiin.
Gudoomiye Cabdiraxman dheere ayaa ka qayb gelayaasha ku booriyey inay ka qayb qaataan xeerka si xeer ina anfaca mustaqbalku inoogu soo wada baxo.

Lataliyaha Shuruucda ee Golaha wakiilada Garyaqaan Cabdiraxmaan Hirad Jaamac ayaa isaguna xeerka faahfaahin dheeraada ka bixiyey isla markaana qodob qodob ugu sharaxay.

Kulanka oo maanta iyo shalay soconayey ayay ka qayb gelayaashu si mug leh uga qayb qaateen soona jeediyeen wax ka bedel, sixis, kaabis iyo khibrado dheeraada taas oo muujisay faham ka badan halkii markii hore xeerku taagnaa.

Kulanka ayaa maanta la soo gebagebeeyey waxaana xidhitaankiisii ka soo qayb galayaasha u mahad celiyey Gudoomiyaha Gudida Arimaha Bulshada ee Golaha wakiilada Md Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo sheegay in ay sii wadi doonaan wadatashiyada bulshada kala duwan si Golaha ay u hor geeyaan xeer saxar tiran oo cid walba xaqeeda iyo xuquuqdeeda siiso.

Waxa uu gudoomiyuhu sheegay in intii uu kulan iyo xeerar qabanayay aanu arag mid ka midho dhalsanaa kana waxtar iyo contribution badnaa kulankan oo uu ku tilmaamay in ay dadkii ku haboonaa ku soo marti qaadeen

Waxa iyaguna kelmado ka yidhi xidhitaankii kulanka wakiilo ka socday shirkadaha SOMTEL, TELESOM, DARYEEL iyo Wasaarada Caafimaadka Somaliland.

Bahda warbaahinta Golaha wakiilada
Hargeysa Somaliland.