Shir-gudoonka iyo dhamaan Mudanayaasha Golaha Wakiiladu waxay Tacsi u dirayaan

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada J. Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax, Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Maamulka iyo Xildhibaanada aqalka wakiiladu waxay dhambaal Tacsi ah u dirayaan Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha wakiilada Dr. Cali Yuusuf Axmed oo Wallaalkii Marxuum Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed ku geeriyooday Dalka Ingiriiska.

Waxa Ilaahay uga Baryaynaa Marxuumka Inuu Naxariistii Jano Ka Waraabiyo, Janatul fardowsana Rabbi ku casuumo, Waxgaradka, Waayeelka, Aqoonyahanka, Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta Iyo Shacbiga Somaliland Ee Uu Ka Baxayna Samir Iyo Iimaan Saadiqa Ka Siiyo.

Inalilaahi Waa Ina Ilayhi Raajicuun.

Saleebaan Cabdisitaar Dubad
Agaasimaha Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland